Dowladda Soomaaliya oo u ballan qaaday shaqa abuur kun dhallinyara ah

Date:

Muqdisho(SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku adkeeyay in uu codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, daacad ah, daah furan, isaga oo dhallinyaradana kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo.

“Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka bini’aadamka ah uuna samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.

“Xornimada aan haysanno waxaa keenay dhallinyaro la noolaa wacyi kiinna ka dhib badan, gumaysi uu haysto, hadii ay bannaanka u baxaan qatar ugu jiray in uu dilo qof ajnabi ah hase yeeshee goostay in ay qaataan qatartaas si aan innagu u helno nolol ka wanaagsan tii ay haysteen. Gumaysi ayey la dagaallameen waana ku guulaysteen iyada oo Afrika inteeda kale aysan hurdada ka kicin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Dhallinyarada maanta iyana waxa ay kala simanyihiin in ay la dagaalayaan Jahli, faqri, gaajo, argagaxiso, qabyaalad, musuqmaasuq iyo kuwa doonaya in ay dalkeenna u dummiyaan dano gaar ah” ayuu munaasabadda ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Shaqo abuurka dhallinyarada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in ay qayb ka qaadanayso horumarinta dhaqaalaha iyo amniga maadaama dhallinyaradu yihiin xoogga, maskaxdda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamayo aduunyada inteeda kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...