Ra’iisalwasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Date:

Muqdisho, Arbaca August 8 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib Booqasho ay ku tageen Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Suudaan wuxuu uu goob joog ka noqday saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin, iyadoo Ra’iiul wasaaraha uu ku amaanay ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Suudaan kaga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre oo sidoo kale booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta, wuxuuna mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah, waxa uuna si gaar ah u xusay in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...