Eng. Yarisow “Musuq-maasuqa waa in la dagaallankiisa meel looga soo wada jeestaa”

Date:

Muqdisho, Ogoosto 06, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka sanadlaha ee xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda, isagoo xusay in maamulkiisu uu meel adag ka taagan yahay la dagaalanka Musuqa oo dhowr jeer caddaaladda la horgeeyey xubno lagu tuhmay musuq-maasuq oo ka tirsanaa shaqaalaha iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhowaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay wacyigelin baahsan oo lagula dagaalayo dhaqanka maamul xumada iyo fahamka dowladda, maadaama uu musuqmaasuqu yahay midka dalkan dib u dhigay loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto ciribtirkiisa, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan maamulkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...