Duqa Muqdisho oo ciidamada amniga ku ammaanay kaalintooda shaqo

Date:

Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ku saabsan isku dhafka ciidammada ammaanka Caasimadda, iyadoona cutubyo ka-tirsanaa Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA lagu biiriyey Taliska Booliska Soomaaliyeed ee sugaya amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in ay kaalintooda ka qaataan ilaalinta ammaanka iyo xasilloonida, taas oo horseedday in laga hortago falal arxan darro ah oo ay maleegayeen argagixisadu, gacantana lagu soo dhigo dhagar-qabeyaal khatar ku ahaa nolasha shacabka.

“Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin shaqo hufnaan iyo in ay saaxiib dhow la yihiin bulshada. Waxaan rajeynaynaa in ay ka soo dhalaalaan shaqada adag ee loo igmaday, taas oo ay indhaha ku hayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay ciidanka amniga caasimadda in ay mudnaanta siiyaan sidii ay ugu fududeyn lahaayeen bulshada isu-socodka, uguna dulqaadi lahaayeen caqabad kasta oo culeys ku keeni karta nolashooda iyadoona la gudanayo waajibaadka kale ee la xiriira ammaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Soomaaliyeed dadaallada joogta ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga bulshada, dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Booliska oo horseedaysa horumar deg deg ah oo laga gaaro ammaanka guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...