ย Haweeney Al-shabaaabnimo loo xukumay.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Basra Maxamed Cali Warsame ย ayaa 21/05, ee sanadkanย  ย ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada maniga helaan xogย  sheegaysa ย in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida ย Bistooladaha iyo Bam-booyinka maleeshiyada amniyaadka ee kooxda arga-gixisada ah ee Alshabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha, ย ย wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleenย  jiritanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15/07 ee sanadkan ayay soo gaba-gabeeyeen baaristooda, ย waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha ย Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga ย waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.

28/07 ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteenย  garsoorayaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.

Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) ย oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya ย kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanaha.

04/ bishan aynuย  ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta ย soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu uguย  dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu magacaabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay kooxda Alshabaab.

Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa goโ€™aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka war-celinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Caliย  Warsameย  ay ku xukuntay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) ย oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale