Mareykanka oo ka fuliyay Soomaaliya weerar xagga cirka ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- War saxaafadeed ay  soo saareen Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in 2-dii bishan 4-qof oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku dileen meel 74-KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Maraykanku qaadeen weerarkaas oo ay ku bartilmaameydsadeen fariisin maleeshiyada Argagixisada ah ee Al Shabaab ay ku lahaayeen gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

Sanadihii dambe waxaa sii xoogeystay weerarada lagu hayo horjoogayaasha Maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo ay fulinayaan ciidanka dowladda Federaalka ah iyo saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...