Aas-aaskii Puntland oo xalay loo dabaal degay

Date:

Garowe(SNTV):–Ra’isul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay munaasabadda xuska 20-sano guurada dawlad gobaleedka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garowe ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.

“Aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaceyga, magaca xukuummadda, dhamaan magaca dawladda federaalka iyo magaca ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa halkaan fadhiya, Soomaaliyeed waxa aan idin leeyahay hambalyo 20-sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaar Xasan Cali Khayre.

“Waxa aan u mahadcelinayaa madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa oo halkaan lagu soo bandhigay shaqada ay qabteen. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa madaweynayaashii kaa horeeyay oo gacan ka gaysatay dhismaha qarannimada aan halkaan u fadhinno. Waxa aan u mahadcelinayaa cid walba oo wax ka aasaastay qayb kamid ah sharafta Soomaaliyeed oo ah dhismaha Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’isu Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu Puntland ku arkay hey’ado dawladeed oo dhismay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed iyo in madaxweyne walba oo loo doortay in uu hogaamiyo Puntland uu xilligiisii ku dhamaystay si nabad ah taas oo ay ka muuqato bisayl dawladnimo oo ay tahay Soomaalida inteeda kale in ay ka barato.

“Puntland waxa aan kula kulmay maskax caafimaad qabta, maskax wayn oo hiigsi leh, bisayl dawladnimo oo ku dayasho mudan, dad Soomaaliyeed oo fahmay in dalka la wada leeyahay gartayna in la wada dhisto, reja cusub oo ah jaceylka ay dawladnimada u qabaan shacanka reer Puntland”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaha XFS.

Ra’isul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku ammaanay dawrka odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Puntland waxa uuna kula dardaarmay in Soomaaliya inteeda kale baraan dhaqankaas wanaagsan.

Ra’isul Wasaare Khaye ayaa adkeeyay in ay muhiim tahay in loo istaago Soomaalinimada, si loo helana ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, midnimada, dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh, in dhalinyasrada lagu jiheeyo wax soo saarka, Caruurta waxbarasho lagula dadaalo, dhalinyarada loo diyaariyo hogaamiyayaasha mustaqbalka iyo in la horumariyo caafimaadka dalka si wada lahaanshaha dalka loo xoojiyo.

Ra’isul Wasaare Khayre ayaa u ballan qaaday Puntland in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ay kula jirto kooxaha naba-diidka ah ee Daacish iyo Shabaab si amaanka iyo xasiloonida loo sii adkeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...