R/wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey Shirka Wadajir ah ee Golaha Wasiiradda XFS iyo Puntland

Date:

Muqdisho (SNTV)-, Shirkaan wadajirka ah ee ay maanta Magaaladda Garoowe ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda dowlad Goboleedka puntland, ayaa looga hadlayey xoojinta wada shaqaynta wasaaradaha dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, isla markaana loo mideyn lahaa siyaasada iyoย ย  sharcidda .

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali , ayaa shir Guddoomiyey shirkaan,ย  waxaan ka qayb galay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xiggeenka Puntland, iyaddoo si wayn looga doodayย  siddii looย  adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaaradahaย  dowlada federalka Soomaaliya iyo puntland, halkaas, ayaana lagu soo bandhigay Baahiyaha ka jira deeganada puntland iyo mashariicda kale duwan ee laga fulin karo, taas oo lagu horumarinayo arrimaha bulshada dhaqaalahaย  amnigaย  shaqalaha.

Dhammanย  Golaha wasiiradda Dowlad goboleedka puntland, ayaa tilmaamay in wasiir kasta ay ka dhaxeyso wada shaqayn wanaagsan,ย  iyadga iyo kuwa dowladda dhexe.

shirka Wada jirka ah ayaa lagu goโ€™aamiyeyย  inย  si dhaqso ahย ย  Loo siiย  daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe Magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 boqolย  Muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah,ย  si ay ugu dhamaystaanย  xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka Dibadiisa,ย  iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka Arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaaladda XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale