R/wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey Shirka Wadajir ah ee Golaha Wasiiradda XFS iyo Puntland

Date:

Muqdisho (SNTV)-, Shirkaan wadajirka ah ee ay maanta Magaaladda Garoowe ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda dowlad Goboleedka puntland, ayaa looga hadlayey xoojinta wada shaqaynta wasaaradaha dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, isla markaana loo mideyn lahaa siyaasada iyo   sharcidda .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali , ayaa shir Guddoomiyey shirkaan,  waxaan ka qayb galay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xiggeenka Puntland, iyaddoo si wayn looga dooday  siddii loo  adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaaradaha  dowlada federalka Soomaaliya iyo puntland, halkaas, ayaana lagu soo bandhigay Baahiyaha ka jira deeganada puntland iyo mashariicda kale duwan ee laga fulin karo, taas oo lagu horumarinayo arrimaha bulshada dhaqaalaha  amniga  shaqalaha.

Dhamman  Golaha wasiiradda Dowlad goboleedka puntland, ayaa tilmaamay in wasiir kasta ay ka dhaxeyso wada shaqayn wanaagsan,  iyadga iyo kuwa dowladda dhexe.

shirka Wada jirka ah ayaa lagu go’aamiyey  in  si dhaqso ah   Loo sii  daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe Magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 boqol  Muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah,  si ay ugu dhamaystaan  xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka Dibadiisa,  iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka Arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaaladda XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...