Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo Shir guddoomiyey kulanka Guddiyada joogtada ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh oo Shir guddoomiyey kulanka Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay xarunta golaha shacabka ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu sidoo kale goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa waxaa marka hore guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Dalka uu guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixiyay waxyaabihii guddiga u qabsoomay muddadii uu sheqeynayay, waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay howsha guddiga ee ku aadan dib u eegista iyo la socodka dastuurka.

Guddoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka ay maanta la qaateen guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, waxa uuna u sheegay warbaahinta in kulankii maanta uu ku soo dhamaaday jawi horey loogu sii jiheyn karo arrimaha dib u eegista dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...