Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ku khaarijiyay maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal katirsan Kooxda nabad diidka ee Al-Shabaab. “Sawirro”

Date:

01, Aug, 2018, Muqdisho (SNTV) Ciidamada  Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Maamul gobolleedka Jubbalandd oo qaaday howlgallo kadhan ah Xarumaha iyo saldhigyada maleeshiyaadka daacadda u ah nabad diidka Al-shabaab ee gobolkaasi Jubada Hoose halkaasi oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku guulleysteen in ay burburiyaan xarumihii ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeshiyaadka Al-shabaaab.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Draawiishta ayaa ka fulliyay deegaanka Buulo-Xaajo oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta maamul gobolleedka Jubaland halkaasi oo lagu soo waramayo in ay ku khaarijiyeen ugu yaraan 7-isagu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyaad kuwaasi oo daacad u ah Kooxda Arxanka daran ee Nabad diidka AL-shabaab.

Korneel Cali Goosaar oo kamid ah saraakiisha  hogaaminaysay howl galkan ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ayaa ugu waramay Warbaahinta qaranka guulaha ay ka gaareen howlgalka ka dhanka ahaa Al-shabaab.

“Waxaa gutada 1-aad ee Darwiishta ay burburisay saldhig cadowga uu ku lahaa Buula Xaaji,meydadka ad arkaysaan waa taliyahooda saldhig iyo guddoomiyahoodii tuuladda, anaga wax khasaare ah nama soo gaarin al-xamdulilaah,dhimashadooda waa todobo, si nabad ah ayaa howshu ku fushay”. Ayuu yiri Col. Cali Goosaas.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa ah kuwa awooddii la wiiqay kadib markii ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii xoojiyeen beegsiga lagu hayo maleshiyada Alshabaab, gaar ahaan qeybo kamid ah gobolada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...