Ra’iisulwasaare Kheyre oo shirar la leh oday dhaqameedyada Qardho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Qardho ee maamulka Punitland, ayaa la kulmay boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka Soomaaliya.

Boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ku dhiirri geliyay shaqada wanaagsan ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

“Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa aad loogu soo dhaweeyay Qardho iyada oo wadooyinka ay isugu soo baxeen bulshada ku nool magaalada iyo hareeraheeda oo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku ammaanayaan hoggaanka dawladda federaalka ah iyo wax-qabadka ballaaran ee ay la timid Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah kugaaray Qardho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawayta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...