R/wasaare Kheyre oo ka hadlay qorshaha kala guurka ee ay Ciidanka AMISOM

Date:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa ka hadlay qorshahii ay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ula wareegi lahaayeen ammaanka Dalka, si looga maarmo xoogagga AMISOM.

Mudane; Kheyre oo u warramayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu hadafka Dowladdu yahay in la dhiso Ciidamo tayo leh oo lagu halleyn karo nabad gelyada Dalka, iyadoo dhismaha iyo tababarraduna ay marayaan halkii ugu wanaagsanayd, dhawaanna laga maarmi doono xoogag shisheeye.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay iney waqti badan geliyeen ka xukuumad ahaan, tiri koobka, hubinta, tababarrada iyo qalabaynta Ciidanka, wuxuuna sheegay iney Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM wada dejiyeen qorshaha kala guurka oo ah mid kama dambays ah oo Ciidanka nabad ilaalinta Afrika lagaga kaaftoomayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...