Golaha Ammaanka oo Mudadii u kordhiyey Amisom

Date:

Muqdisho (SNTV):- Golaha Ammaanka ee QM ayaa muddo kordhin u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada New York, waxaana ay gaarsiiyen illaa dhamaadka bisha May sanadka soo socda ee  2019.

Goluhu waxa uu sheegay in ay muhiim tahay howlaha nabad ilaalinta ee midowga afrika ee haatan ka hayaan Soomaaliya.

U qaabbilsanaha cunaqabataynta QM ee Soomaaliya iyo Eretria, Khayrat Cumaraof, ayaa kulanka kaga war-bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegey Waddamo dhowra oo ku yaalla geeska Afrika.

Mr. khayrat Cumaraof ayaa Golaha ugu war bixiyay booqashadii ugu danbaysay ee uu ku tagay Dalalaka Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inaysan u suura gelin inay tagaan Dalka Eritrea.

Mudane Cumarof ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalada xoogga leh ee ay xukuumadda Soomaliya ugu jirto sugidda amniga iyo ka hagaajinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda, isagoo ku baaqay inaan si buuxda cuna qabataynta Hubka looga qaadin Soomaaliya inta ay wax iska beddelayaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Sarkaalkan ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay Dowladaha Itooboiya iyo Eritera ay ku gaaraeen Asmara 8-dii July ee Sanadkan, ayagoo soo gaba gabeeyay is fahan waagi ka dhexeeyay muddo 20 sano ah, soona celiyay xiriirka diblomaasiaydeed ee Labada Dal.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...