Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf loogu sameyeey Garoowe

Date:

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Hotelka AJJ PALACE ee Garowe Ra’iisul-wasaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo shalay gaaray halkaasi.

Madaxweyne Gaas  ayaa casho sharftan uu u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa  ka soo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, Golayaasha Dowlad goboleedka  Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa waxaa ay booqan doonaan xarumaha dhaqanka ee Puntlnad, iyagoo la wadaagi doona maamuus iyo casuumadaha kale ee ugaarka ah madaxda dhaqanka Puntlnad.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa muddada uu joogo Puntlnad  Waxaa uu booqan doonaa xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee  maamulka  Puntland ee magaalada Garoowe.

waxaana  uu ka qeybgalidoona xuska sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasey maamulka Puntland,taasi oo ku began 1da bisha August ee soo socota.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...