Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf loogu sameyeey Garoowe

Date:

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Dowlad goboleedkaย  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Hotelka AJJ PALACE ee Garowe Raโ€™iisul-wasaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo shalay gaaray halkaasi.

Madaxweyne Gaas ย ayaa casho sharftan uu u sameeyay Raโ€™iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaaย  ka soo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, Golayaasha Dowlad goboleedka ย Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Raโ€™iisal Wasaare Khayre ayaa waxaa ay booqan doonaan xarumaha dhaqanka ee Puntlnad, iyagoo la wadaagi doona maamuus iyo casuumadaha kale ee ugaarka ah madaxda dhaqanka Puntlnad.

Raโ€™iisal Wasaare Khayre ayaa muddada uu joogo Puntlnadย  Waxaa uu booqan doonaa xarumaha wasaaradaha iyo hayโ€™adaha kale eeย  maamulkaย  Puntland ee magaalada Garoowe.

waxaanaย  uu ka qeybgalidoona xuska sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasey maamulka Puntland,taasi oo ku began 1da bisha August ee soo socota.

ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale