waxaa si hare sare ah lagu soo dhaweyay magaalada Garowe ee xaruunta maamullka Puntland Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali KHayre iyo wafdi u hoggaminayo iyadoo faras-magaalaha la suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ku soo dhaweyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Mas’uuliyiinta Maamull Goboleedka Puntland iyo dadweyne fara badan, si ay uga qeyb qaataan soo dhoweynta wafdiga uu hor kacayo Xasan Cali KHayre,iyadoo ay ku wehelinayaan xubno ka tirsan golaha xukumaada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shirka Golaha Wasiiradda ee todobaadkan ayaa waxaa uu ka dhacaya magaalada Garowe kasoo looga hadalayo xaalada dalka, sanadkii hore ayay aheyd markii shirkii Golaha Wasiirada lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Toos ugaa daawo SNTV soo dhawaynta Ra’iisul Wasaaraha dalka ee Magaaladda Garowe