Isku duwaha wada hadalada Nabadeed ee Qaramada Midoobay ay u xilsaartay Arimaha Barig Dhexe ayaa Mudooyinkaan falastiiniyiinta iyo israel ka dhexe waday wada hadalo lagu doonayo in xabad joojin lagu dhexhe dhigo labada dhinac.
Mladenov oo ku sugan Qaahira ayaa wada hadalo la yeeshay madaxda labada Dowladood iyo madaxda hogaaminaysa dowladda ay dariiska yihiin ee Masar, waxaanna la sheegay in uu kala hadalay sidi looga gaabsan lahaa in ay dib u soo laabtan rabshado hor leh iyo xasuuq dib uga dhaca Qasa.
Dad badan oo reer Falastiin ah ayaa ku dhintay qulqulatooyin ka dhacay magaalada Qasa taasoo looga cabanayey degaameynta israel ay kawado dhulalka falastiiniyiinta