Raiisul wasaare kuxigeenka Dalka oo la kulmay wafdigii ka qeyb-galay shirkii waxbarashada

Date:

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay wafdi ka socday waddamada Thailand, Koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo qayb ka ahaa mas’uulyiintii lagu casuumay shirkii caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagusoo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa wafdiga uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur Jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay madaxda dawladda soo dhawaynta heerkeedu sareeyo ee loogu sameeyay Muqdisho intii ay u joogeen ka qayb galka shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada sare oo sannadkaan si gaar ah diiradda loogu saaray Cilmi-baarista.

Munaasabadda sagootinta ah waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ahna ku-simaha wasiirka iyo gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa ayna labaduba sheegeen in natiijada kasoo baxday shirkii caalamiga ahaa ay Muujineyso horumarka ay Soomaaliya ka sameysay waxbarashada sare maadaama leesku raacay in Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay hogaanka u qabato urur jaamacadeed ay yeelanayaan wadamada colaadaha kasoo kabanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...