Cimraan Khaan oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Pakistaan

Date:

Islamabad-(SNTV)-Hoggaamiyaha xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay Dalka Pakistaan, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Ciyaar yahanka u xuub siibtay Siyaasadda ee Cimraan Khaan, ayaa Saacado ka hor sii sheegtay inuu isagu ka guuleystay Axsaabtii la loollamayay oo uu ka mid yahay Xisbiga  haatan talada haya ee uu hoggaamiyo Nawaaz Shariif.

Kuraasta Baarlamanka ayaa ka kooban 135, iyadoo awoodda Xisbiga uu ku soo dhiso karo Xukuumad ay ku xiran tahay inuu helo 95%, waxayna taasi ugu dhigan tahay Cimraan Khaan inuusan lahayn awood dhammays tiran.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Pakistaan, Sardar Mohammad Raza, ayaa meesha ka saaray tuhunka ah in Xisbiga PTI loo eexday, wuxuuna sheegay ineysan dhicin wax is daba marin.

Dhinaca kale waxaa natiijada la shaaciyay ee guusha Cimraan Khaan, ku Gacan sayray Axsaabtii la tartamaysay oo uu ka mid yahay Xisbiga ,Pakistan People’s Party, (PPP) oo uu hoggaamiyo Raiisul wasaaraha haatan talada haya ee Nawaaz Shariif.

Isha/ Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...