Ololaha Is-xilqaan oo ka hir-galay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti ayaa maanta ka qeyb gashay ololaha Nadaafada ee Isxil qaan Qaran.

Ololaha nadaafada ee Isxil qaan Qaran ayaa shalay waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana maanta si rasmi ah loogu bilaabay degmooyinka gobolka banaadir.

Guddoomiye Basma ayaa shacabka degmooyinka kala ah Shangaani, Xamar Weyne, Bondheere, Yaaqshiid iyo Kaaraan kala qeyb gashay olole nadaafadeed oo ka socday degmooyinkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin iney fuliyaan baaqa madaxweynaha.

Waxa ay ugu baaqday shacabka degmooyinka in ay ka qeyb qaataan ololaha nadaafada ee Isxil qaan Qaran si Muqdisho ay u noqoto magaalo nadiif ah oo nabadda ah, dhinac walbana kala tartami karto magaalooyinka kal ee caalamka.

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Shalay xaflad ka dhacday Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen kummanaan Qof oo ka mid ah xoogagga wadaniyiinta Gobolka Banaadir uga dhawaaqay ololaha Is-xilqaan oo loogu tala galay in lagu dhiso Dalka, isaga oo Madaxweynuhu ka sodsaday muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed in Toddobaadkii Labo Saacadood iyo bar ka mid ah waqtigiisa uu galiyo Dalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....