dareen iyo argagax laga muujiyey gabar 10 jir ah oo ugeeriyootay gudniinka fircooniga ah

Date:

waxaa isasoo taraya walaaca iyo dareenka laga muujinayo dhimashada gabar yar oo 10 jir taasoo  kugeeriyootay deegaanka laasuuri ee degmada dhuusamareeb kadib markii lagu sameeyey gudniinka fircooniga.

gabadhan oo lagu magacaabi jiray Deeqo Nuur Daahir waxay aheyd 10 jir markii ay waalidkeed go’aansadeen inay kusameeyaan gudniinka fircooniga oo waxyeeleeya  jirka gabdhaha, waxaana ay geeriyootay markii mid kamid ah haweenka wax guda ay googoysay xubno badan oo  taranka ah taasoo ugu dambeyn ay ugeeriyootay.

waxaa la sheegay   in deeqa intii gudniinku socday uu go’ay xiddid, kadibnaa muddo labo beri ah la joojin waayay dhiigbixii. iyadoo   loo soo qaaday isbitaalka degmada Dhuusamareeb oo ay dhiigbax ugu dhimatay, ayay tiri Caasha Cali Aadan oo kamid ah kalkaalasooyinka ispitaalka xanaano.

Dr Cabdiraxmaan  Cumar Xasan  oo loo yaqaano Beerrey oo ah agaasimaha ispitaalka xannaano ee magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in gudniinka lagu sameeyey gabadha yar uu ahaa mid aad u daran, jirkeedana lajarjaray taasoo ku  keentay dhiig bax iyo geeri deg deg ah.

“Waxa aan aragnay kama sheekeen karno, waligey noociisa ma arkin, waxaa la jaray jirki iyo hilibki kuyaallay xubinta taranka, gaar ahaan saxaaxa, waxaa sidoo kale la gooyey farruuryaha waaweyn iyo kuwa yar yar ee xubinta taranka, taasoo waxyeeleysay gabadha” ayuu yiri Dr Beerreey oo wariyayaasha ugu waramayey magaalada dhuusamareeb.

Dr Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay waalidiinta gaar ahaan hooyooyinka inay ka feejignaadaan waxyeelada gudniinka ee gabdhahooda, maadaama uu waxyeelayo nolosha gabdhaha, isagoo kutaliyey in wacyigalin laga sameeyo miyiga iyo magaalada si bulshada ay uga taxadarto qattarta iyo waxyeelada gudniinka fircooniga ah.

Walaaca laga muujiyey dhacdadan iyo ka hadalkeeda ayaa maalmahan ka soconaya  dal iyo dibadba, waxaana warka la xiriira arintan  iyo sida looga falceliyey ay yihiin kuwa ugu horeeya ee warbaahinta aduunka  ay qaadaadhigayaan.

Culimada diinta, odayaasha dhaqanka, haweenka,  dhalinyarada, iyo dadka u ololeeya arimaha dumarka ayaa si isku mid ah u cambaareeyey arintan iyagoo sheegay inaanan laga harin dhacdadan si loo xusuustana marwalba ay haboontahay in siwada jir ah looga hadlo.

Waxay sheegeen in arintan ay xadgudub wayn kutahay shareecada islaamka iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha iyagoo ugu  baaqay dowlada inay ciqaabto cidii sameysay falkan.

“Arintan waxay xadgudub wayn kutahay shareecada islaamka, mana ogola diinteenna in la googooyo xubnaha taranka ee gabdhaha. ayuu yiri SHeekh Cabdisalaan Mullah oo kamid ah mashaa’iskhda soomaaliyed.

Sidoo kale Ifraax Axmed oo ah gabar dhalinyaro ah oo u ololeysay xuquuqda dumarka gaar ahaan ka hortagga gudniinka fircooniga ayaa dhankeeda sheegtay in arintan ay ka xuntahay, oo ay cambaareyneyso, waxayna intaas ay kudartay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan ka hortagga gudniinka gabdhaha.

Gudniinka fircooniga ayaa ah caado dhaqameed looga dhaqmo waddamo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Afrika oo soomaaliyana ay  kujirto, waxaana inkastoo ay wali socoto wacyigalin la xiriira arinta haddana aan wali la suulin caadadaas oo dad badan wili ay aaminsanyihiin.

DHakhaatiirka ayaa sheega in gudniinka laga dhaxlo dhibaatooyin ay kamidyihiin.

  • Naxdin (shock)
  • Xanuun
  • Dhiig bax
  • caada wareer.
  • isku furan
  • infection ama caabuq xaga hoose ka sameysma.
  • iyo xanuunka galmada.

Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 98% laga isticmaalo gudniinka gabdhaha arintaasoo ah tiro aad u badan, iyadoo culimada ay kukala qeybsanyihiin  gudniinka gabdhaha lagu sameynayo iyo in la iskaba dhaafayo.

W/Q Amina ladan Axmed Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...