Hal-abuure aan la shaqaaleysiin

Date:

Wuxuu ka mid ahaa koox Shaqadoon ah oo Wareysi shaqo Nadaaf ah ugashay Shirkadda Microsoft oo laga leeyahay Mareykanka kuna caan baxday sameynta Barnaamijyada ka shaqeeysiiya kumbuyuutarada.
Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa u shegay inuu ku guuleystay shaqada, wuxuna ka codsaday inuu u reebo Email-kiisa si ay ugusoo diraan Warqadda heshiiska Shaqaalenimada ugalanasoo socodsiiyaan waqtiga uu shaqada bilaabayo.
Shaqadoonihii wuxuu u sheegay inuusan laheyn Email uusanna adeegsan Karin kumbuyuutarka; taasina waxay sabab u noqotay inuu sidaa ku waayo shaqadaas.
Iridka Microsoft ayuu kasoo baxay isagoo murugeysan. Isaga oo ka fikiraya siduu ku heli lahaa shaqo uu ka maareeyo nolol maalmeedkiisa ayuu isha ku dhuftay Dukaan lagu iibiyo Strawberry-ga.
$10 oo uu heystay ayuu ku iibiyay 5-Kiilo oo Strawberry ah deetana wuxuu bilaabay inuu ku wareejiyo wadooyinka; Nasiib wanaag 2-Saacadod gudahood wuu dhameyay wuxuna ka helay Lafihiisa iyo $10 oo faa’iido ah; ka dibna mar 2-aad iyo mar 3-aad ayuu sameeyay sidaas oo kale, nasiib wanaag wuxuu habeenkii gurigiisa ku laabtay isaga oo heysta $60.
Maalinkaa wixii ka dambeyay wuxuu goostay inuu ka xoroobo fikirka Shaqaalenimada; wuxuua xoogiisa isugu geeyay siduu kusii horumarin lahaa shaqadan cusub; wuxuuna shaqo ka dhigtay inuu maalin waliba Strawberry ku wareejiyo wadooyinka Magaalada; Galab kastana wuxuu gurigiisa ku laaban jiray isagoo heysta in ka badan Saddex Jibaar Lacagtii uu Suuqa lasoo galay Subaxaas.
Sanad ka dib wuxuu helay Baaskiil Tabal ah oo ku wareejin jiray Strawberry-ga. Markii adeegiisa la bartayna wuxuu sameestay Gaari Macaamiishiisa dalaabtka ugu geeya Guryahooda; Shan sano ka dibna wuxuu noqday Milkiilaha mid ka mid ah Sharikadaha ugu caansan Mareykanka.ee laga dalbado Cunnooyinka diyaarsan.
Sanado ka dib wuxuu u tegay shirikad Ceymis, isaga oo rabo inuu ka diiwangeliyo shirkaddiisa si ay ugu fududaato kasoo kabashada Musiibooyinka, wuxuuna Wakiilka Sharikadda Ceymisku weydiiyay Email-kiisa si uu ugu diro Warqadaha Heshiiska, balse wuxuu usheegay inuusan laheyn Email, uusanna aqoon sida loo isticmaalo kumbuyuutarka.
Wakiilka Shirkadda Ceymiska ayaa ku yiri: oo sideey kuugu suura-gashay inaad dhisto Sharikaddan baaxadda weyn, adiga oo aanan laheyn Email lagaalasoo xiriiro aanna aqoon sida loo isticmaalo kumbuyuutarka?!!
Wuxuu siiyaya jawaab aad u caan-baxday oo aheed: Hadddii aan Email sameysan lahaa, waxaan ahaan lahaa Shaqaale nadiifiya Musqulaha Microsoft!!
Waxaa Qoray: Christopher C. Golis, waxaana Tarjumay Ustaad Hussain Sabrie.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...