Ciidanka ammaanka oo ka hortagay weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen Baar-sanguuni.

Date:

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ku leeyihiin Baar-sanguuni oo ah duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, balse weerarkaas ayay ciidamadu si feejigan kaga hortageen.

Maleeshiyada oo adeegsatay ilaa 3-gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyey ayaa doonayey inay qabsadaan saldhigaas, balse ciidamada halkaasi ku sugnaa ayaa ka hortagay, waxaana lagu jabiyey weerarkii ay soo qaadeen sida uu inoo soo tabiyey Wariyiyaha warbaahinta Qaranka ee gobolkaasi.

Dagaal in muddo ah socday ayaa ka dambeeyey qaraxyada, kaas oo sababay in Maleeshiyada la baacsado, lagana reebto hub iyo saanad ciidan.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa maleeshiyada weerarkaasi ka soo gaartay, balse saraakiisha ciidamadu wali si faahfaahsan kagama hadlin.

Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco www.sntv.so 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...