Dood-wadaag ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho-(SNTV-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Sheekh Cali Wajiis iyo Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa si qoto dheer u sharxeen Shareecada Islaamka iyo iyo Dastuurka waxayna ka jawaabayeen su’aallaha ka qeyb galayaasha.

Wasiir Ku-Xigeenka oo ka hadlayay qodobada aas-aasiga u ah
Dastuurka ayaa sharxay sida Datuurka uu u waafaqsan yahay Shareecada.

“Sida aad ogtihiin Dastuurka Soomaaliya waxa uu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka, sida Dastuurka ku qoran wax walba oo Shareecada Islaamka ka hor imaanaya waa waxba kama jiraan,  Waxaa la rabaa in dadka Soomaaliyeed ay sidaa ula socdaan oo ay Dastuurkooda ilaashadaan” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Sidoo kale Sh Cali Wajiis ayaa aad u sharxay taariikhda Dastuurka oo uu sheegay inay soo bilaabatay xilligii Nabi Maxamed (NNKH), waxuuna sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay aad ugu qanacsan-yihiin dib-u-eegista Dastuurka ee xilligan socota isagoona tilmaamay in aysan  jirin qodob Dastuurka ku jira oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.

Dhanka kale, Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa isagana ka hadlay aragtida Qareenada ee Dastuurka.

Ugu dambayn, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Wasaaradda ayaa sii wadi doonta qabashada Doodaha ay shacabka fursad ugu helayaan in su’aallahooda ku saabsan Dastuurka looga Jawaabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...