Dhismaha Isbitaalka Buur-hakaba oo meel wanaagsan maraya

Date:

Buur-Hakaba (SNTV) Guddomiyaha degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, Maxamed Ibraahim Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan isla markaana uu socdo howlgallo lagu xaqiijinayo Xaaladda amni deegaanada hoos yimaada degmada.

Guddoomiyaha  ayaa sidoo kale sheegay in wada shaqayn wanaagsan ay kala dhexeyso Shacabaka degmada  taasna ay keentay in ammaanka uu wanaagsanaado.

Max’ed Ibraahim Nuuur, guddoomiyaha degmadda Buur-hakaba ayaa sidoo kale xusay in horumar dhanka caafimaadka uu ka socda degmada,  isagoo tilmaamay in cisbitaal weyn ay dhawaan dhegax dhigeen, haatana dhismihiisa uu meel fiican marayo taa oo ay ka qeyb-qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Shacabka iyo ganacsatada degmada.

Degmada Buur-hakaba, waxaa inta badan laga cawdaa biyo yari ka jirta maadaama aysan laheyn ceelal  ku filan dadka degan degmada, hase ahaatee guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay arrintaas wax weyn ka qabteen oo  ay ceel biyood ka hirgeliyeen halkaas.

Guddoomiye Maxamed  ayaa sidoo kale sheegay in meel gabagabo ah uu marayo dhismaha garoon diyaaradeed oo degmada Buur-hakaba ay yeelato  kaas oo qeybka ah horumarka maamulka ay ka sameeyeen degamada.

Ugu dambeyn  gudoomiyaha degmada Buur-hakaba ayaa ugu baaqay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo  dowlada federaalka si loo cirib tiro maleeshiyaadka Alshabaab isla markaana loo furo waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ee marta Buur hakaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...