AMISOM oo taba-bar dheeraad ah siisay Ciidamada Amniga Baydhabo.

Date:

Baydhabo-(SNTV)-30 xubnood oo ka mid ah Ciidanka Booliska maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar soconayay 10 Cisho loogu soo xiray Magaalada baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Kooraskan gaaban oo ay abaabulkiisu lahaayeen Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa lagu baranayay hubinta, xakamaynta, qabashada , maareynta dembiyada Dadweynaha, ka hor tagga rabshadaha iyo mudaaharaadyada.

Tresphord Kasale, oo ah Isuduwaha Booliska AMISOM ee Koonfurta Galbeed  ayaa sheegay in xubnaha tababarka loo soo xiray loo qalabeyn doono si wanaagsan, si’  ay u maareeyaan ammaanka guud, gaar ahaan goobaha ay bulshadu  ku badan tahay.

Soddonkan Xubnood oo laga soo kala xulay Saldhigyada Booliska ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mahad celiyeen sida hagar la’aanta ah ee loo baray waajibaadka ka saaran la dhaqanka Bulshada, waxa ay ballan qaadeen in ay ku dhaqmi doonaan Casharradii ay qaateen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...