Waxaa bilowday Beegsiga Saldhigyada Al-shabaab

Date:

Ciidammada Xoogga dalka  ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellada Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen kooxdaas.

Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellada Hoose.

“waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo Argagixisada ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox malleeshiyo Qaraxyada Qaabilsaneyd oo  hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed,  howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri  G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas.

Ciidammada Xoogga dalka  oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa billaabay beegsiga saldhigyada iyo horjoogeyaasha Al-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...