Shir ku saabsan dhibta Gudniinka Fircooniga ah oo Muqdisho ka furmay

Date:

Shirwayne caalami ah oo looga hadlayey qattarka gudniinka gabdhaha gaar ahaan kan fircooniga ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdisho,

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Ifrah foundation oo u ololeysay xuquuqda dumarka gaar ahaan gudniinka gabdhaha ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro, iyo xildhibaano ka tirsan dawlada federaalka Somalia, xeer ilaaliye qaranka, culamaa;udiin, dhakhaatiir, wariyayaal, masuuliyiin ka socotay bulshada rayidka ah, iyo wakiilo mataleysay beesha caalamka.

Waxaana dadki ka hadlay ay sheegeen in gudniinka gabdhaha uu dhibaato wayn kuyahay noloshooda iyo mustaqbalkooda, sidaas darteed ay lagama maarmaantahay in laga shaqeyo sidii looga hortagi lahaa.

Ifraax Axmed oo ah gabar u ololeysa arimaha dumarka, gaar ahaan ka hortagga gudniinka oo ka hadashay shirka ayaa sheegtay in ujeedada ay usoo qabanqaabiyeen shirkaan ay tahay kadib markii ay arkeen dhibaatada dumarka ee gudniinkan iyo waxyeelada uu ugeysto, si taa looga duulina ay tahay in la iska kaashado joojintiisa,

Xildhibaan xaawo maxamed aadan oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee parlamaanka Somalia ahna gudoomiyaha guddiga xuquuqda aadanaha ee parlamaanka ayaa sheegtay in dhibaatada gudniinka ay mudantahay in laga hadlo, sharci cadna oo lagu dhaqmana lagasoo saaro, iyadoo waalidiinta ugu baaqday inay ka hortagaan.

Xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali daahir oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatada ay tahay mid wada saameyneysay bulshada, isagoo ku eedeeyey hooyooyinka inay hormuud u yihiin gudniinka gabdhaha, wuxuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin uu goobta ka sheegay i mid kamid ah wakiilada ka socotay beesha caalamka oo aheyd in gudniinka gabdhaha uu Somalia ka marayo %98, waxana uu intaas kudaray in arintaas aysan waxba kajirin oo sanadihi ugu dambeeyey ay socdeen wacyigalino la xiriira sidii looga hortagi laha gudniinka, gabdho bandanna ay ka badbaadeen.

Shirka waxaa sidoo kale ka hadlay culimo iyo mashaa’ikh badan kuwaasoo kudheeraaday ka hadalka dhibaatada gudniinka iyo waxa diinta islaamka ka tiri, iyagoo si Wadajir ah u sheegay in diinta islaamka ay xaaraantimeyneyso in la jarjaro xubnaha taranka ee gabdhaha.

Shirkwaynahan  caalamiga ee maanta ka furmay magaalada muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan gabar yar oo 10 jir ay magaalada dhuusamareeb ugu geeriyootay kadib markii gudniinka gabdhaha lagu sameeyey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Sweden 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa...

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qabatay xuska maalinta Caalamiga ah ee Kansarka  

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddi Joogtada ah ee Aqalka Sare oo meelmariyay Ajandayaasha Golaha 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS ka qeyb galay Shirka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...