Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Dalka Hindiya u Qaabilsan Soomaaliya “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho, July 18, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Hindiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Suchitra Durai iyo wafti ay hogaaminaysay. Waxayna ka wada hadlayn xiriiirka qotada dheer ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqayn karaan labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Hindiya ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa iska xaal waraystay xaaladaha labada wadan iyo xiriirka wadashaqeneed ee ka dhaxeeya, waxayna isla garteen in la sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya, si shacabka labada dal ay u kala faa’iidaystaan.

Suchitra Durai ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre u sharaxday qorshaha ay dawladda Hindiya doonayso in ay kula shaqeyso Soomaaliya, sidoo kalena waxay u soo bandhigtay mashariic dhowr ah oo ay dawladda Hindiya ka hirgalin doonto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay kulanka ku weheliyeen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiir Dawlaha Arrimha Dibadda ayaa madaxda Hindiya ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya ula shaqeyaan, waxayna ku dhirigaliyeen shaqooyinka horumarka leh ee ay ka wadaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...