Sanad guurada ciidanka Xasilinta gobolka Mudug oo lagu qabtay Galkacyo

Date:

Munaasabadaan lagu maamusayay sanad guuradii koowaad ee kasoo
wareegtay markii la howl galiyay Ciiidanka Booliiska ee  Xasilinta Gobalka
Mudug oo ay ka qeyb galeen masuulyin iyo saraakiil ka tirsan dowlad
gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada
Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug.

Munaasabada oo looga hadlay inteeda badan waxqabadka ciidanka
xasilinta gobalka Mudug iyo baahiyada jira ayaa waxaa ugu horeyn ka
hadlay Taliyaha Ciidanka Xasilinta G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo
sheegay in mudadii ay shaqeynayeen ay wax weyn ka qabteen amniga iyo
nabad galyada Gobalka.

Taliyaha qeybta boliiska gobalka Mudug ee Puntland G/sare Axmed
Cismaan cali oo isna ka hadlay munaasabada ayaa uga mahad celiyay
ciidanka xasilinta waxqabadka muuqda asagoona kula dar daarmay in ay
sii laba laabaan.

Duqa Dagmada Galkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo ku hadlayay
magaca masuuliyiinta Maamulka dagmada ee labada Maamul  iyo Gudoomiye
ku xigeenka gobalka mudug ee galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar oo
iyaguna ka hadlay munaasabada ayaa ku booriyay ciidanka xasilinta in
ay u adkeystaan baahiyada jira iyagoona uga mahad celiyay howsha adag
ee ay u hayaan bulshadooda.

Ugu danbayna waxaa munaasabada soo xiray Taliye ku xigeenka Ciidanka
Booliiska Galmudug Korneyl Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...