Eritrea oo dib u furatay Safaaraddeedii ay ku lahayd Addis ababa

Date:

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afeworki ayaa shalay ย xarigga ka jaray Safaaraddii uu Dalkiisu ku lahaa Addis Ababa ka dib booqasho Saddex Cisho ah oo uu halkaasi ku tagey Ethiopia.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay heshiis Taariikhi ah oo ay dhowaan Asmara ku kala saxiixdeen Labada hoggaamiye, iyagoo halkaasi kusoo afjaray colaaddii Labaatankii Sano ee ugu dambeeyay dhex tiillay Eritrea iyo Ethiopia.

Eritrea ayaa ka goโ€™day Ethiopia 1993, wuxuuna Labada Dowladood Dagaallo lagu riiqmay ku dhexmaray xadka 1998 โ€“ 2000 , kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 70,000, waxana soo gabagabeeyay colaaddii Labada dhinac booqashadii uu 9-kii Bishan Asmara ku tagey Raโ€™iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...