Dowlada Somalia oo Culimada dalka kala tashaneysa ladagaalanka fikradaha xagjirka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in culimadu ay door wayn ka qaataan wacyi gelinta bulshada.

Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayuu Culimaa’udiinku kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalka ay dowladdu ku bixineyso ka hortagga fikradaha xagjirka ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab dadku ku marin habaabinayaan.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay bulshada uga wacyi gelin lahaayeen fikirka qaldan ee ay Shabaabku shacabka ku marin habaabinayaan in uusan Diinta Islaamka raad ku lahayn.

“Waxaan xafiiskiisa ugu nimid Ra’iisul Wasaaraha, Anagoo ah Guddiga sare ee culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir,  Sheekh Nuur Baaruud, anigoo Sheekh Cali-Wajiis ah, Sheekh Cabdiqaadir Soomow iyo Dr Maxamed Xaaji, waxaan halkan ugu nimid inaan arrimaha Qaranka is dhaafsano, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  waxa uu culimada Soomaaliyeed siiyaa arrimo aad u muhiim ah, xogta dowladda iyo hadba waxyaabaha u qabsoomay, iyo   guulaha  badan ee  wax ku oolka ah, culimaduna runtii ay aad u taageersantahay , iskaashi badana ay la leedahay dowladda” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo intaa ku daray .

“Waxaan tallooyin ka siinay arrimaha Xajka iyo sida ugu fiican ee lagu xajin karo, sidoo kale amniga talooyin ku saabsan iyo cabashooyin nagu soo dhac dhacay oo bulshada xageeda nooga yimid oo uu aad nooga qanciyay, noona sheegay in waxyaabo badan oo dadku ka cabteen in wax ka qabanayo, waxaan kaloo kala hadalnay araah ku aadan arrimaha garsoorka, sidoo kale in la joogteeyo wadatashiga culimada iyo madaxda dowladda, shirka guul ayuu ku soo dhamaaday, Soomaalida waxaan ugu bishaareynayaa Insha Allah in Xukuumadda ay gacanta ku heyso arimo badan oo muhiim ah oo dalkan wax badan ka badali doonto”.

Dawlada Federaalka ee Somalia ayaa  dagaal adag kula jirta kooxaha argagaxisada ah ee falalka guracan kawada dalka, waxaana mudooyinkan ay waday wadatashiyo kusaabsan sidii looga hortaggi karo  fikradaha xagjirka ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab dadku ku marin habaabinayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...