Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels

Date:

 Muqdisho(SNTV Wafdigan uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgiumka,waxaana halkasi ku soo dhaweeyey danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliy aiyo wafdigiisa ayaa ka qeybg qaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo.

Wuxuu shirkaasi caalamiga ah uu daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri “Qeybta labaad ee shirkan waxaan kaga hadli doonnaa, wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore iyo guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska oo aan hormar ka gaarnay, dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii oo wax badan laga qabtay.”

“Qeybta saddexaad waxa lagaga hadli doonaa siyaasadda loo dhan yahay ee ku aaddan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka doorashooyinka, dib-u-habeyn lagu sameeyay dastuurkii oo haddana socda, iyadoona shantii cutub ee u horreeyay Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay Khamiistii la soo dhaafay, xeerkii doorashooyinka iyo nidaamkii doorashooyinka oo la isla qaatay, sidoo kale waxaa hormar laga gaaray shuruucdii doorashooyinka 2020, xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha. Qodobbadaas ayaa ugu muhiimsan ajandeyaasha lagu soo bandhigi doono shirka Brussels.”

Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...