Shir looga hadlayay sare u qaadidda ganacsiga Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Shalay oo Khamiis ahayd lagu soo gabagabeeyay Magaaladan Muqdisho Shir looga tashanayay sidii ganacsiga soomaaliya kor loogu qaadi lahaa oo ay soo qaban qaabisay wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha.

Ganacsatadii shirka ka qayb gashay oo isugu jirtay Kalluumaysato, Beeraley iyo kuwo leh Warshado yar yar oo ka kala socday Banaadir iyo Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa intii uu kulanku socday waxay kaga munaaqishoodeen  sida ugu habboon ee ay isula jaan-qaadi karayaan iskaashiyo ganacsi oo ay u dhan yihiin.

Shirkan oo ay qayb ka ahaayeen ganacsato iyo maalgashadayaal shisheeye ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay habka ugu wanaagsan ee laysugu xiri karo Ganacsatada shisheeye iyo kuwa Dalka, si loo helo dhaqaale baaxad leh iyo shaqa abuur fiican.

Andariyano muntani, oo ku hadlaayey Magaca ganacstada Dalka talyaaniga ka socota ee shirkan ka qeyb gashay ayaa sheegey inay u yimaadeen caawinta ganacsatada yar yare ee u baahan in gacansiin iyo maalgashi la siiyo, wuxuuna ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey.

Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Maxamed Diiriye Khalliif oo soo xirey shirka ayaa sheegey iney Dowlada Soomaalia waddo qorshe lagu tayeynayo horumarinta ganacsiga.

Wuxuuna Mr; Khalliif uga mahadceliyey Dowlada Talyaaniga ganacstada ka socota inay meesha ka saareen cabsidii Soomaalia laga qabay, isagoo maalgashadayaasha caalamkana ka codsaday inay ku daydaan Ganacsatada Dalka Talyaaniga ka socota.

Qaar ka mid ah ganacsatada maamul goboleedyada Dalka oo iyana goobta ka hadlay ayaa tilmaamay caqabadaha ku hor-gudban Dalagyada Beerahooda iney tahay fatahaado soo laalaabtay , waxany soo jeediyeen in la raadiyo xal dhibaatooyinkaasi loo bixi karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...