Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin Qof aan shaqa tegin oo Mushaar qaata

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo daah furay nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la aqbali doonin shaqaale iska qaata mushaar oo aan soo shaqo tagin, lana bilaabayo isla xisaabtan joogto ah oo lagu hubinayo qaab shaqeedka waaxaha maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in daraasad socotay muddo (5) shan bilood ah lagu ogaaday shaqaale iska qaata mushaar oo shaqada imaan fasax la’aan, nidaamkan casriga ahna uu meesha ka saari doonno isla xisaabtan la’aanta iyo waajibaadka laga gaabiyey, taasoo qeyb weyn ka qaadanaysa hannaan daah furan ee lagu ogaanayo dadka soo shaqo taga iyo kuwa iska qaata mushaarka.

“Hadda kadib ma jiri doono shaqaale iska qaata mushaar oo shaqada imaan ama aan wax soo saar lahayn, nidaamkanna waxuu naga caawin doonnaa inaan ogaanno shaqaalaha saxda ah ee guta waajibaadkooda iyo kuwa mushaarka iska qaata, wax la aqbali karo maahan in miisaaniyadda Gobolka Banaadir %70 ay mushaar ku baxdo hadana dadka shaqeeya ee saxda ah ay yar-yihiin, cid walba oo shantaa bilood mushaar qaadatay soona xaadirin shaqada sharciga ayaan la tiigsanaynaa lacagtana waa laga soo celin doonnaa.”Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho oo sii hadlayey ayaa kula dar-daarmay agaasimeyaasha waaxaha in shaqaalahooda ay la xisaabtamaan, si loo helo shaqaale huffan loona hubiyo tayadooda shaqo, isagoo yiri “Qof walba waa inuu ka soo baxaa masuuliyaddiisa oo dhab ah una fakaraa horumarka caasimadda sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa. Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha muddadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in xisaab ay daba socoto, loogana baahan yahay shaqo dheeraad ah”.

Hirgelinta Systemka cusub ee dib-u-diiwaangelinta Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo ah hab casri ah, waxuu kaalin mug leh ka qaadanayaa tayada shaqaalaha iyo hubintooda, iyadoo hannaankani uu meesha ka saarayo cid walba oo waajibaadkeeda gudan weysay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Agaasimeyaasha Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah howlwadeenada Dawladda Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...