Mursal oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Date:

Muqdisho, 12-07-2018: Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu horeyn ugu mahad celiyay madaxda Hirshabelle sida wafdiga uu hogaaminayo ay Magaalada Jowhar ugu soo dhaweeyeen.

โ€œ Mudanayaal iyo marwooyin sharaf weyn ayay ii tahay inan maanta furo Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, sidoo kale waxa rabaa inan aad idiin kaga mahad celiyo soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafdiga an hogaaminayoโ€ ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada Hirshabelle kula dardaarmay iney si wanaagsan u gutaan masuuliyadda saran, kana shaqeeyaan hormarinta shacabka ay matalaan.

โ€œ runtii waxa idiin saaran masuuliyad weyn, waxa idiin kula dardaarmayaa inad dadaal badan sameysaan, sidoo kalena aad Kalfadhiggan shaqooyin badan qabataanโ€ ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Waxa uu tilmaamay in guddoonka golaha shacabka uu diyaar u yahay inuu si dhaw ula shaqeeyo Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Munaasabada furitaanka waxa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali C/llaahi Xuseen (Cali guudlaawe).

Sidoo kale munaasabada waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo marti sharaf kale.
—–DHAMMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...