Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr Food Cadde

Date:

Muqdisho, 12 Luuliyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in raadka uu Dr. Food Cadde ku reebay hawlaha samafalka caafimaad ee dalka uu yahay mid dhaxalgal ah maaddaama uu ka mid ahaa asaasayaasha Ururka Bisha Cas, isla markaasna uu dalka ka soo shaqeeyey waqtiyo adag.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Dr Axmed Maxamed Xasan la wadaagayaa qoyskiisa, ehelladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu ka abaalmariyo wanaaggii iyo shaqadii uu u soo qabtay shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde uu ahaa shaqsi jecel waddankiisa, aqoontiisana kaga qeyb qaatay samatabixinta dadkiisa, isagoona ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo ku takhasusa cudurrada wadnaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...