Midowga Yurub oo kordhiyay taageerada dhaqaale ee Soomaaliya

Date:

Brussels-(SNTV)- Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida Arbacadii Shalay laga soo xigtay guddida Yurub.

Bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa imanaya xilli la qorsheynayo inuu dhowaan Brussels ku qabsoomo shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub Todobaadka soo socda oo ku began 16-17-ka July.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Christos Stylianides ayaa bayaankan ku sheegay inay deeqdan Lacageed ugu tala galeen arrimaha Bini’aaddannimada, sida Dadka Labadii Sana ee ugu dambeeysay ku wax yeelloobay abaaraha, Fatahaadaha, Milaayiintii Qof ee ay Xoolahooda dhaafeen, iyo Dadka ay saameeyeen shaqaaqooyinka ka dhacay Dalka Soomaaliya.

“Waxaan bartilmaameedsan doonnaa Bulshada teeda nugul, waxaanan mudnaanta siin doonnaa Dadka Gacan qabashada dhabta ah, kuwa ay saamaynta ku yeesheen is beddeladii Cimmilada iyo kuwa ku waxyeelloobay shaqaaqooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya” ayuu bayaankiisa ku sheegay Mr; Stylianides.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya u qoondeeyeen Sanadkii hore gargaar Lacageed oo ka badan kii hore, kaasoo gaaraya 119 Milyan Yuuro, una dhiganta 135 Milyan oo Doollar,kaasoo wax weyn ka tari doona xaaladda soo kabashada dhibaataddii ka dhalatay abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha.

Isha/ Anadolu

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...