Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qabatay Madal ku saabsan Heshiisyadii Baydhabo

Date:

Muqdisho ย (SNTV), Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Madal ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu heleen in looga jawaabo suโ€™aalaha ku saabsan Heshiisyadii Kheyraadka (Batroolka) iyo Doorashooyinka ee madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo ah La-taliye Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka, Avv Cumar Dhagey iyo La-taliyaha Madaxweynaha Maxamed Cabdirisaq ayaa si wadajir ah uga jawaabayeen suโ€™aalaha ka imaanayay bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka soo qeybgashay Madasha.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlay sababta loo sameeyay Madasha ayaa sheegay inay tahay mid shacabka xog-ogaal looga dhigayo heshiisyada ay madaxda gaaraan.

โ€œSida aad la socotaan heshiisyadii madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo waxay ahaayeen kuwa taariikhi ah, inaga Wasaarad ahaan waxaa naga saaran masuuliyad ah in heshiisyadaas lagu qoro Dastuurka; kulankan waa mid muhiim ah oo aan dooneyno in shacabka ay xog badan uga helaan heshiisyadii ay madaxda gaareenโ€ ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Wasiirka Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed ayaa si qoto dheer u sharxay Heshiiskii Kheyraadka gaar ahaan Batroolka isagoo ka jawaabay Suโ€™aalaha ka imaanayay shacabka ee quseeyay Batroolka.

Sidoo kale, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka ayaa sharxay heshiiskii Doorashooyinka, waxa uuna ka jawaabay suโ€™aalaha arrimaha Doorashooyinka ee ay shacabka soo gudbinayeen.

Wasiir Cabdi Xoosh iyo La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan ayaa si wadajir ah u sharxay masuuliyadda Wasaaradda ka saran heshiisyadii la gaaray ee Dastuurka lagu qori doono inta ay socoto dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa joogteyn doonta qabashada madashan oo kale ee shacabka looga jawaabayo suโ€™aalahooda ku saabsan heshiisyada ay gaaraan madaxda qaranka ee Dastuurka lagu qori doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...