Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qabatay Madal ku saabsan Heshiisyadii Baydhabo

Date:

Muqdisho  (SNTV), Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Madal ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu heleen in looga jawaabo su’aalaha ku saabsan Heshiisyadii Kheyraadka (Batroolka) iyo Doorashooyinka ee madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo ah La-taliye Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka, Avv Cumar Dhagey iyo La-taliyaha Madaxweynaha Maxamed Cabdirisaq ayaa si wadajir ah uga jawaabayeen su’aalaha ka imaanayay bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka soo qeybgashay Madasha.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlay sababta loo sameeyay Madasha ayaa sheegay inay tahay mid shacabka xog-ogaal looga dhigayo heshiisyada ay madaxda gaaraan.

“Sida aad la socotaan heshiisyadii madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo waxay ahaayeen kuwa taariikhi ah, inaga Wasaarad ahaan waxaa naga saaran masuuliyad ah in heshiisyadaas lagu qoro Dastuurka; kulankan waa mid muhiim ah oo aan dooneyno in shacabka ay xog badan uga helaan heshiisyadii ay madaxda gaareen” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Wasiirka Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed ayaa si qoto dheer u sharxay Heshiiskii Kheyraadka gaar ahaan Batroolka isagoo ka jawaabay Su’aalaha ka imaanayay shacabka ee quseeyay Batroolka.

Sidoo kale, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka ayaa sharxay heshiiskii Doorashooyinka, waxa uuna ka jawaabay su’aalaha arrimaha Doorashooyinka ee ay shacabka soo gudbinayeen.

Wasiir Cabdi Xoosh iyo La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan ayaa si wadajir ah u sharxay masuuliyadda Wasaaradda ka saran heshiisyadii la gaaray ee Dastuurka lagu qori doono inta ay socoto dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa joogteyn doonta qabashada madashan oo kale ee shacabka looga jawaabayo su’aalahooda ku saabsan heshiisyada ay gaaraan madaxda qaranka ee Dastuurka lagu qori doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho 

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa maanta ka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Garsoorka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...

Madaxweynaha JFS oo Saxiixay Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...