Geneva(SNTV):-ย Dalkeena Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee hayโadaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.
Shiweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la xiriira si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada.
Shirweynahan wuxuu isku keenaa hayโadaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta.
Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid yihiin masโuuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galaya, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula kulmay masโuul ka socotay Midowga Isgaarsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan.
โMunaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, waayo sanad ka hor xilligan oo kale dalkeenu ma lahayn sharci isgaarsiineed, hayโad isgaarsiineed iyo xuquuqda codeynta ee dalka. Nasiib wanaagsan 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaan yeelanay sharci, hayโad isgaarsiineed iyo xuquuqdii codeynta oo aan soo ceshanay, waxaana maanta na matalaya wasaarad iyo hayโad oo kala leh waajibaadyo kala duwanโ ayuu yiri wasiirka.
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in munaasabaddan ay fursad qaali ah u tahay Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka oo la doonayo inay wax badan ka barato waayo-aragnimada hayโadaha dalalka kale, maadaama wixii hadda ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay dhammaan shirarka isgaarsiinta adduunka.
โFursad muhiim ah ayay u tahay Soomaaliya maadaama aanu dhiseyno hayโad cusub, inagoo dooneyno in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay ururrada iyo hayโadaha kale ee ay wada-shaqeynta la leedahay,โ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Cashuur Xasan.