R/wasaaraha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV);-Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa akhriyay  digreetada xilka looga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallim Xuseen,wuxuuna sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir.

” Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre maanta oo taariikhdu ay tahay 9-ka bisha Luulyo sanadka 2018-ka,waxaa xilkii Wasiirnimada looga qaaday Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen,waxaa xilkaasi kusime ka ahaan doona Wasiiru Dowlaha isla Wasaaraddaasi C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir waana Mahadsan tihiin,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo warbaahinta Dowladda ka Akhriyay digreetada Xilka ka qaadista.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaanshigga XFS oo tegay Awdheegle

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay masuuliyiin cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan...