Wasiirka Difaaca XFS oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga “Sawirro”

Date:

Wasiirka wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Mudane, Xasan Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Gaashaandhigga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan wasaaradda Gaashaandhigga iyo wadamada iyo hey’adaha caawiya dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahayin si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa tan iyo markii xilkaas loo magacaabay waxaa uu xil weyn iska saaray siddii looga miro dhalin lahaa qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isaggoo kulamo iska daba joog ah oo arrintaas ku aadan la yeelanaya dhammaan dhinacyada howshaas ay khuseyso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...