Shir u dhaxeya Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha Siyaasadda dalka oo muqdisho lagu qabtay

Date:

Hay’adaha ku shaqada leh Tubta Siyaasadda loo dhanyahay iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka ayaa shir wadajir ah oo wadatashi qorshe wadaag ah uga bilowday magaalada Muqdisho, kulanka oo socon doono afar maalin ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre.

Shirka oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee XFS ayaa intuu socdo looga hadli doonaa horumarka ilaa iyo hadda laga sameeyay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka iyo Doorashooyinka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in arrimaha dib-u-eegista Dastuurka laga gaaray guulo horudhac ah.

“Sidaad ogtihiin waxaa dalka ka socdo dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka waxay ilaa iyo hadda qabteen howlo taariikhi ah sida Shir-weynihii Qaran iyo in la guda galo dib-u-eegista Dastuurka oo ah mid ka qeybgalkiisa loo dhanyahay” ayuu yiri Wasiirka.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo furay shirka ayaa bogaadiyay Hay’adaha dowladda ee shirka wadajirka ah leh.

“Shirkan waa mid muhiim u ah mustaqbalka dalka, ogaada waxa aad ka doodeysaan waa aayaha dadka Soomaaliyeed oo aan doneyno in la gaarsiiyo horumar. Waxaan rajeynayaa in dhamaadka shirka ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheeyre.

Ugu dambayn, Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa iyo xubno matalaya Dowlad Goboleedyada ayaa guda galay ka doodista arrimaha Dastuurka, Federaalka iyo Doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa...