Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dawladda Kenya

Date:

Nairobi (SNTV), Kulan gaar ah ayaa wuxuu maanta magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ku dhexmaray  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Aqalka senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow  Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senateka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa ku guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Waxaana lagu talo jiraa in dhowaan wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...