Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo la kulmay amiirka kuwait

Date:

Kuwait(SNTV) Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise
Cawad ayaa oo ku sugan dalka Kuwait ayaa la kulmay amiirka dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al-axmed Aljaabir Alsabaax.

Wasiirka ayaa ugu horeyn amiirka Kuwait guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Axmed Ciise Cawad ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Kuwait, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas  Sheikh Sabaax Alkhaalid Alxamad Alsabax  oo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu sidoo kale la kulmay wasiirka Waxbarashada Kuwait iyo guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, oo ay ka wada hadleen mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso dalkeenna.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah dowladaha carbeed oo xirirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,iyadoo kulankan uu si gaar ah u dhiirogelinayo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...