Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo booqday Xarunta Baarlamaanka Dawladda Djibouti

Date:

Muqdisho (SNTV), Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminyo oo maalintii labaad ku sugan dalka aynu walaalaha nahay ee jamhuuriyadda Djibouti, ayaa booqday xarunta baarlamaanka ,waxa uuna isla xarunta uu kulan kula qaatay Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti  Maxamed Cali Xaamud iyo xubno ka tirsan xildhibaanada dalkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Djibouti,  ayaa marka hore guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhaweeyey, isaggoo uga warbixiyay xaaladda baarlamaanka iyo qaabka uu u shaqeeyo,waxaana guddoomiyaha golaha shacabka ee jambuuriyaddda federaalka Soomaaliya uu guddoonka iyo xildhibaanada jabuuti uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isaggoo dhankiisa faah faahin ka siiyay howsha wanaagsan ee uu golaha shacabka ee JFS.

Intaasi ka dib labada gudoomiye oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa guddoomiyaha baarlamaanka dalkan jabuuti Maxamed Cali Xaamud waxaa uu sheegay in kulankoodii maanta ay kasooo baxeen qodobo ujeedkoodu uu yahay sii xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada wadan ee walaalaha ah iyo wada shaqeynta baarlamaanka labada Dal.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay kulanka uu maanta dhiggiisa dalka jabuuti la qaatay islamarkaana uu kulankan sidoo kale wax weyn kusoo kordhin doono iskaashiga labada dhinac oo hadda maraya meel aad u wanaagsan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kormeeray labad dekadood oo ku yaala magaaladda  jabuuti ee xarunta wadanka jamhuuriyada jabuuti ,waxaana ku wehliyay kormeerkiisa safiirka jamhuuriyada jabuuti u fadhiya soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, waxaana uu guddoomiyaha uu aad u ammaanay horumarka ka dhashay iskaashiga shacabka iyo dowladda ee ay ku talaabsadeen walaalaha jamhuuuriyada jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...