Warar Dheeraad ah oo ku saabsan geerida horjoogihii Alshabaab

Date:

Warar Is khilaafsan ayaa ka soo baxaya masiirka Hoggaamiyihii kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in uu  u geeriyooday xanuun bilihii  u dambeeyay ku xoo xoogeysanayay.

Wararku waxay sheegayaan in uu Kansar iyo Kalyo xanuun la ildarnaa muddooyinkii dambe uuna ugu geeriyooday bilowgii toddobaadkan degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Alshabaab ayaa beeniyay geerida horjoogahooda, hase yeeshee ma aysan bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu nool yahay.

Axmed Diiriye ayaa hoggaanka kooxdan qabtay ka dib markii bishii May 2014 duqeyn lagu dilay aas’aasihii  iyo milkiilihii kooxda Axmed Godane. Wixii ka dambeeyay dilkii Godane, kooxdu way sii wiiqmeysay, waxaana hareeyay khilaaf dhanka hoggaanka ah.

Axmed Diiriye oo kooxdu ugu yeeraan Abuu Cubeyda, ayaa ahaa nin daciif ah hoggaan ahaan, waxaana ku fallaagoobay qaar ka mid ah horjoogeyaasha kooxda oo hadda u kala jabtay dhowr garab uuna ka dhexeeyo loollan dhanka awoodda ah.

Haddii ay dhabowdo geerida Axmed Diiriye,waxaa tani sii kordhineysaa murankii awoodeed ee kooxda ka dhex jiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...