Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo Xafiis ka furatay Balanballe

Date:

Dhuusa-mareeb-(SNTV)-Hay’adda socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay Xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furtay Magaalada Balamballe ee Gobolka Gal-gaduud..

Munaasabadda xarigga looga jarayay Xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka Dagmada , arakiil ka socotay HSJ iyo wax garadka Degmada, waxaanay dhammaantood sheegeen in  baahi weyn loo qabay howlaha ay Qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayaan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in halkaa Xafiis noocaan ah laga furo.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa degaanno badan oo Soomaaliya ah ka furtay Xafiisyo ka shaqeeya socdaalka, iyadoo muhiimadda siineysa Degmooyinka dhaca dhanka xudduudaha si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada halkaasi ka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...