Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo la kulmay amiirka kuwait

Date:

Kuwait(SNTV) Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise
Cawad ayaa oo ku sugan dalka Kuwait ayaa la kulmay amiirka dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al-axmed Aljaabir Alsabaax.

Wasiirka ayaa ugu horeyn amiirka Kuwait guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Axmed Ciise Cawad ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Kuwait, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas  Sheikh Sabaax Alkhaalid Alxamad Alsabax  oo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu sidoo kale la kulmay wasiirka Waxbarashada Kuwait iyo guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, oo ay ka wada hadleen mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso dalkeenna.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah dowladaha carbeed oo xirirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,iyadoo kulankan uu si gaar ah u dhiirogelinayo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...