Degdeg: Baaqyo dalbanaya in la caawiyo Cusbitaalada Gobolka Diraac, Suuriya oo lagu qasbay in la xiro.

Date:

Muqdisho (SNTV) Ugu yaraan 45,000 oo qof ayaa ka cararay guryahooda kadib dagaalada sii xoogaysanaya ee ka taagan gobolka koonfurta ee xadka la leh dalka Urdun.

Duqaymaha cirka ee meelaha jabhadda joogaan ee Koonfurta Suuriya ayaa ka dhigay ugu yaraan saddex cusbitaal iyo xarumo caafimaad shaqadooda albaabada laysagu dhufto xilli ay ciidamada Suuriya ay wadaan dagaal ay doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanada jabhadu gacanta ku ahayso, sida ay muujinayaan ilo wareedyo.

Wakaaladda Wararka SANA ee Suuriya ayaa sheegtay in duqaymaha hawada ee Diraac ay yihiin kuwo hor dhac ah si ay loogu siqo dhinaca koonfur bari ee magaalada.

Ugu yaraan 45,000 oo ruux ayaa kacararay guryihii ay daganaayeen markii ay dagaaladu sii xoogeeysteen gobolka Diraac ee Koonfurta Suuriya ay soohdin wadaagaan dalka Urdun, sida ay sheegtay Q/Midoobay dhowaan.

Daraasiin dad ah ayaa lagu dilay in ka badan 100 qof way ku dhaawacmeen sida ay muujinayaan ilo wareedyo dagaaladii u dambeeyay Suuriya ku dhow dhow.

W/Tarjumay Muxamednur Mucalim Muxamed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...