Degdeg: Baaqyo dalbanaya in la caawiyo Cusbitaalada Gobolka Diraac, Suuriya oo lagu qasbay in la xiro.

Date:

Muqdisho (SNTV) Ugu yaraan 45,000 oo qof ayaa ka cararay guryahooda kadib dagaalada sii xoogaysanaya ee ka taagan gobolka koonfurta ee xadka la leh dalka Urdun.

Duqaymaha cirka ee meelaha jabhadda joogaan ee Koonfurta Suuriya ayaa ka dhigay ugu yaraan saddex cusbitaal iyo xarumo caafimaad shaqadooda albaabada laysagu dhufto xilli ay ciidamada Suuriya ay wadaan dagaal ay doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanada jabhadu gacanta ku ahayso, sida ay muujinayaan ilo wareedyo.

Wakaaladda Wararka SANA ee Suuriya ayaa sheegtay in duqaymaha hawada ee Diraac ay yihiin kuwo hor dhac ah si ay loogu siqo dhinaca koonfur bari ee magaalada.

Ugu yaraan 45,000 oo ruux ayaa kacararay guryihii ay daganaayeen markii ay dagaaladu sii xoogeeysteen gobolka Diraac ee Koonfurta Suuriya ay soohdin wadaagaan dalka Urdun, sida ay sheegtay Q/Midoobay dhowaan.

Daraasiin dad ah ayaa lagu dilay in ka badan 100 qof way ku dhaawacmeen sida ay muujinayaan ilo wareedyo dagaaladii u dambeeyay Suuriya ku dhow dhow.

W/Tarjumay Muxamednur Mucalim Muxamed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...