Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Agaasimaha Gobolka Yurub ee World Health Organization, Dr. Hans Henri P. Kluge, intii ay socotay Madasha Dubrovnik.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo WHO, si loo taageero mudnaanta ay Soomaaliya siisay horumarinta waaxda caafimaadka.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga farsamo iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee caafimaadka bulshada.

Waxa ay sidoo kale dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka iyo tayeynta adeegyada daryeelka caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...